Shaki kama taagna heerka masuq maasuq iyo laaluush ee garoonka diyaaraddaha Muqdisho ka jira inay sabab u noqotay in hawada sare lagu qarxiyo diyaaradda Daallo Airlines 2-dii bishan Febraayo.
Waxaan akhristayaasha la wadaagayaa warbixin iyo xog muhiim ah inta aan ka haayo garoonka diyaaraddaha Muqdisho, qaabka uu u howlgalo iyo awooda ugu ballaaran ee garoonka in ay hoostagto hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Cabdullaahi Gaafoow madaxda u yahay.
Shaqaalaha ka howlgala garoonka waa kuwo u tababaran xirfada ay qabanayaan, dhamaan inta ka howlgasha garoonka waxay u badan yihiin dhalinyaro aqoontooda wanaagsan tahay.
Marka intaas laga soo tago, dhibaatada garoonka ka jirta ayaa ah isbarbar yaaca shaqaalaha garoonka iyo dadka shacabka ah ee qaabka laaluushka kusoo galay gudaha garoonka si dadka ay sugayaan loogu fududeeyo kasoo bixida garoonka iyo boorsooyinkooda oo aan la marin wax baaris ah.
Haddii aad qof ehelkaada ama saaxiibadaa oo dibada ka imaanaya aad sugeyso, jeceshahayna inaad kusoo dhoweyso iridka diyaaradda iyo qeybta sare ee VIP-da garoonka waxaa kaa xigta 20 ilaa 50 dollar oo aad ku bixiso qofkaasi inaad diyaarada kaga hortagto, loona fududeeyo gelida magaalada Muqdisho ama inuu kula socdo shaqaale ka tirsan garoonka oo haysta aqoonsigiisa.
Saraakiisha amaanka iyo shaqaalaha kale ee garoonka ayaa noloshoodu tahay ku noolaanshaha maalin ku jooga ay ka helaan dadka imaanaya eheladooda iyo saaxiibadooda, taasina waa wax iska cad oo aniga naftayda indhaheyga ku arkay.
Waxaa adag inaad kala garato shaqaalaha garoonka iyo dadka shacabka ah marka ay diyaaradda soo degto, waxaa isbarbar yaaca dad aadan kala aqoon waxa ay yihiin, una badan shaqsiyaad laamaha amaanka ka tirsan iyo shaqaalaha kale ee garoonka oo raadinaya qof diyaarada saaran oo loo soo tilmaamay si uu ugu fududeeyo ka bixida garoonka.
Intaas dhan waxaa ka daran, qofka gudaha u gelaya isagoo wada gaarigiisa, lana soo dhaafsiiyo barta kontorool ee ciidamada AMISOM, kaliya waxaa intaas lagu fulin karaa adigoo sarkaal ka tirsan laamaha amaanka garoonka uu kursiga hore kuusoo fadhiisto ama shaqaalaha garoonka, gaarigana aan la marin wax baaris ah.
Kontoroolka kale ee boorsooyinka, iyadana waxaa fadhiya ciidamo boolis ah iyo seddaxdoo qof oo wasaaradda maaliyada ka socda oo canshuur raadis ah iyo qeybta scanka qofka maraya, dhamaan intaasi waa laguu fududeynayaa si fudud, shaqaalaha canshuur gaadka ah, waxaa loo laabayaa 10 dollar oo ay jeebka gashanayaan, iyagoo howshii loo soo igmaday halkaasi ugu tegaya, halka booliskana xooggaa sed quureed ah uu meesha isna u fadhiyo.
Arintana kale ee iga yaabisay uguna weyn ayaa ah marka aad ka gudubto Checking tikidhada iyo hubinta Baasaboorka, waxaa iridka meesha diyaarada lagu sugo fadhiyo oo isu bad-badala ilaa seddax nin oo gacan saar muuqda la leh Agaasime kuxigeenka waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka oo lagu magacaabo Cali Yare, mas’uulkaasi wuxuu isna wadashaqeyn baaxad leh iyo isfaham aan lasoo koobi karin kala dhaxeeyaa ninka awooda ugu xooggan ku leh garoonka, qof kale ma ahan waa Jen. Cabdullaahi Gaafow.
Seddaxdaasi nin ee hoostaga Kuxigeenka Gaafoow, waxay dadka ula dhaqmaan si xushmad daro ay ku jirto, iyagoo aan laheyn aqoonta howsha ay qabanayaan, waxay fiirinayaan in sharciga aad ku safreyso uu yahay mid saxan iyo in kale.
Nin saaxiibkeey ah oo ila safrayay oo ka yimid dalka Ingriiska, balse baasaboorkiisa Soomaaliga ku safrayay maadaama uu haystay deganaanshaha UK, ayaa mid ka mid ah seddaxdii nin aan idiin sheegay wuxuu aqoon waayay qaabka uu saaxiibkey u safrayay, wuxuuna ku qabsaday in Paasaboor Soomaaliga ah lagu tegi karin Ingriiiska iyo lafta deganaanshaha ah ee baasaboorka la socotay, waxayna arintii gaartay in la waco Agaasime Kuxigeenka socdaalka iyo Jinsiyadaha Cali Yare, dood dheer kadib, Cali Yare wuu garwaaqdsaday arinta markii la eegay tikidhkii hore uu sxbkey ku yimid, wuxuuna hadalka kusoo gunaanaday is fahma ninka odayga ee meesha fadhiya. ma rabo inaan wax badan sii faah faahiyo.
Jen. Gaafoow oo mudo 40 sano ku dhow maamulayay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, ayaa leh taariikh lagu xusuusan doono oo isugu jirta wanaag iyo samaan, waana qofka ugu cimriga dheer ee ka shaqeeya laanta socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya.
Inkastoo, Jen. Gaafoow qaabilsaneyn amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho, haddana waa qofka ugu awooda badan ee ka dhex muuqda garoonka Muqdisho, siyaabo kala duwan ayuu u maamulaa. cabashooyinka dadka rayidka loogu geytsana qeyb ayuu ku leeyahay.
Waxaa jira dallaaliin garoonka ugu dhex shaqeeya, kuwaasi oo fududeeya dadka sharci darada ugu dhoofa garoonka oo lacago u dhaxeeya $5.000 ilaa 10.000 laga qaado si loo saaro diyaaradda Turkish, waana silsilad isku xiran kooxahaasi ee hoostaga Jen. Gaafoow.
Ugu danbeyn, dhacdadii foosha xumeyd ee dishay sumcadda garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxay ka tarjumeysaa masuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira gudaha garoonka iyo maamulkiisa, waxaase haboon tallo ahaana usoo jeedinayaa in Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya wax ka qabtaan dhamaan dhibaatooyinkaasi ka jira maamulka iyo gudaha garoonka si looga hortago dhacdo kale inta ay goori goor tahay.
F.G. Waxaa idiin soo gudbinaynaa qormooyin daba socda qormadan iyo xogga la xiriira silsiladihii shabakadii qarxisay Daallo Airlines.
Waxaa qoray: Cali Muxiyaddiin Cali