Qorshe cusub ayaa ka socda magaalada Muqdisho kaasoo ku saabsan loolanka siyaasadeed ee mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee lagu doonayo in kalsoonida lagala noqdo xukuumada C/weli Sheekh.
Qorshahan ayaa ku saleysan in qaar kamida xildhibaanada saxiixay mooshinka ka yaala Ra’iisal wasaaraha ay ka tanaasulaan mooshinkaasi iyagoo aan la dareemin, kana tagaan magaalada Muqdisho iyagoo u duulaya magaalooyin ay ka mid tahay Nairobi iyo meel kale. Xildhibaanadan sida is-xanbaarka oo kale ah uga tegaya Muqdisho ayaa sii kordhaya muddooyinkii ugu danbeeyay waxaana arrintan si weyn ugu lug leh maamul Goboleedka Puntland oo inta badan xildhibaanada degaanadaasi ka soo jeeda cadaadis ku saaray inay ka laabtaan saxiixa mooshinka ama isaga tagaan Muqdisho si aanay uga mid noqon kooramka ay ku xisaabtamayaan kooxda mooshinka wada ee madaxweynaha taageersan.
Xogta ay Goobjooge.com heleyso ayaa sheegaysa in tiro ka badan 10 xildhibaan ay Muqdisho uga tageen is-xanbaarkan siyaasadeed, iaydoo ay muuqato in dagaalka siyaasadeed ee mooshinka uu marayo heerkii ugu xumaa tan iyo markii abaabulkiisa ay bilaabeen taageerayaasha madaxweynaha.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]