Monday, June 23, 2025

Qorshe lagu kala saarayo Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyay Jen. Odowaa iyo Taliyaha Ciidamada Dhulka

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo Taliyaha ciidamada Dhulka inay wadaan qorshe ay ku kala saarayaan ciidamada dowladda oo loo eegayo sida ay daacad ugu yihii Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahio Farmaajo.

Wuxuu sheegay in xog uu ku helay in Ciidanka Xoogga Dalka loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. “Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan. Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur qoraalkan faafiyey

Wuxuu uga digay taliyaha ciidamada inuusan horseedin burburka ciidamada, kana saaro ku milanka siyaasada, isla markaana uu ogaadaa in ‘Waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo’, sida uu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON