Wararka laga helayo degaanka Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu boob ka dhacay raashin Bisha Cas ee Imaaraadka ugu deeqday dad ka soo barakacay abaaraha.
Raashinkan oo loo qeybinayay dad ku jira xerooyinka Qaxootiga Kaxda ayaa waxaa ku deeqday Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka Carabta, waxana dhacday intii qeybintiisa lagu jiray inuu boobku bilowday.
Maamulka degmada ayaa ku fashilmay inuu sugo ammaanka goobtaasi, tasoo keenay inay dadku is jiiraan, waxaan ku dhintay laba caruur ah iyo haweeney waayeel ahayd oo ay dadku jiireen, kuna tunteen markii xaaladu faraha baxday oo ciidamo ilaalo ahaydna ay rasaas rideen.
LA SOCO FAAHFAAHINTA