Wararka laga helayo magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari, Kenya ayaa sheegaya inay rabasho la xiriira doorashada ay halkaasi ka dhaceen.
Rabshadaha ayaa la sheegay inay ka dhasheen kadib markii lagu dhawaaqay duqii magaaladaasi ee doonayay in mar kale la doorto Nadiif Jaamac looga adkaaday, iyadoo uu ku guuleystay Cali Bunow Qorane.
Taageerayaasha nadiif ayaa jidadka xiray, iyagoo dhigay bannaanbax rabashado watay uu keenay in dab la qabadsiiyo Suuqa magaalada ee Suuq Mugdi, dabkaas oo la sheegay inuu si weyn ugu fidayo suuqa.
Dhinaca kale madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta ayaa ku horeeya codadka la tiriyay, isagoo heysta ku dhowaad 54%.
Goobjoogayaasha caalamka ee ka qeybgalay doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ay ku dhacday si xaq iyo xor ah, taasoo meesha ka saareysa sheegashadii mucaaradka.
Uhuru: 8,062,422 votes (53.7%)
Raila: 6,687,548 votes (44.6%)