Thursday, June 26, 2025

Raggii ka danbeeyay haweenkii lagu dilay Muqdisho oo la qabtay

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dabley qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii loo geystay Haween ku noolaa Muqdisho.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay ciidamada Booliska howlgallo ay sameeyeen ay ku soo qabteen gacan ku dhiiglayaashii geystay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay soo qabteen raggii dilay haweenaydii waayeelka ahayd ee xalay lagu dilay degmada Hodan oo lagu magacaabi jiray Cibaado Cali Cagla. wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyay weerarkii lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Fowsiyo Jamaal Hassan Hilowle,  iyadoo lagu dhaawacay  Gabar kale oo la dhalatay laguna magacaabo  Shankaroon Jamaal Hassan.

Taliye Cali Gaab ayaa sababta dilka gabadha danbe ku sheegay sheegay in ragga dilka geystay inay doonayeen inay dhacaan Mooto Bajaajtii ay la socdeen Gabdhaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON