Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwad loo haystay 6 eedeysane oo uu ku jiro Shaqsigii Gaariga Qaraxa ugu Xiray Allaha u naxariistee wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa sheegtay in C/risaaq Maxamed Barrow oo ahaa Shaqsigii Gaariga Qaraxa ugu xiray Marxuumad Hindiyo uu qirtay Dambiga lagu soo oogay islamarkaana Maxkamadda la keenay Cadeymo muujinaya Dambiga uu galay laguna Xukumay Dil Toogasho ah.
Sidoo kale Ragga kala ah: Xasan Nuur Cali Faarax, Macalin Maxamed Abuukar Cali, Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, ayey Maxkamadu ku xukuntay Xabsi daa’im.
Dhanka kale Muxuyadiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni ayaa iyagana lagu Xukumay xabsi dhan 5 Sano.
Goobjooge.com