Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq oo ku dhawaaqay in la soo af jaray Dagaalkii xoreynta Daacish

Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabadi ayaa shir ka socda magaalada Baqdaad ka sheegay in ciidammada Ciraaq ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xadka Ciraaq iyo Suuriya.

Goobihii u dambeeyay ee ku harsanaa gacanta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa ku yaallay agagaarka xadka ka dib markii ay gacantooda ka baxday magaalada Rawa bishii Nofembar.

Ku dhawaaqiddan Ciraaq ayaa ku soo aadaysa labo maalmood ka dib markii ciidammada Ruushku ay shaaciyeen in ay ka guulgaareen hawlgalkii ay Kooxda Dawladda Islaamka kaga xoraynayeen deegaannada Suuriya.

Kooxaha Jihaad doonka ah ayaa qabsaday dhul wayn oo Suuriya iyo Ciraaq ku yaalla sannadkii 2014kii, waxaana maamulkooda ku hoos noolaa dad lagu qiyaasay 10 milyan oo ruux.

Laakiin jab badan ayaa soo gaaray labadii sano ee u dambaysay, iyaga oo ay gacantooda ka baxday magaalada labaad ee ugu wayn Ciraaq ee Mawsil bishii Luulyo ee sannadkan, bishii horana waxaa gacantooda ka baxday magaalada Raqqa oo xarun u ahayd.

Qaar ka mid ah dagaalamayaashii kooxda isku magacawda dawladda Islaamka ayaa la sheegay in ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah ee Suuriya, kuwo kalana waxaa la rumaysan yahay in ay u baxsadeen dhanka xadka Turkiga.

Ra’iisulwasaare Cabadi ayaa Sabtidii yiri “xoogagganaga ayaa gacanta ku wada haya xadka Ciraaq iyo Suuriya waxaana ku dhawaaqayaa in la soo afjaray dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON