Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka bisha October ee sanadkan 2016, kadib markii cod bixiyayaasha dalkaasi ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub.
Mr. Cameron oo ay barbar taagneyd xaskiisa ayaa shir jaraa’id ku qabtay Downing Street, ayuu si dareen leh ugu shaaciyay in UK ay u baahan tahay hogaamiye cusub isla markaasina uu qadarinayo aftida shacabkiisa ay ku doorteen ka bixitaanka Yurub.
Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa u ololeeyay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka.
Goobjooge.com