Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar.
Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii Ra’iisal wasaaraha  la magacaabay ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre loo soo gaarsiin lahaa dhambaal iyo farriin degdeg ah oo uu u soo diray Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yıldırım.
Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa sheegay in farriintu ku saabsan tahay xaaladdaha degdega ah ee Soomaaliya ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xilka loo magacaabay Khamiistii ayaa durba bilaabay dhaqdhaqaaq shaqo iyadoo aanu weli kalsooni ka helin Baarlamaanka oo lagu wado inuu hor geeyo madaxweynaha.
Goobjooge.com