Saturday, July 5, 2025

Ra’iisal wasaaraha oo heshiis uu la galay urur NGO ah ku magacaabay Xil ku cusub dowladda Soomaaliya

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe lasoo baxay dardar weyn oo ku saabsan inuu sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabid mas’uuliyiin kala duwan xilligan oo xiisad siyaasadeed oo kacsan ka jirto hay’adaha dowladda federaalka oo ka dhalatay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

MARYAN IIDA
Maryan Yaasin Xaaji Yusuf : Agaasimihii Fulinta ururka IIDA

Magacaabidii ugu dambeysay oo si la yaab leh ku dhacday waxay muujineysaa sida Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacaabo shaqsiyaadka xilalka loo dhiibayo iyo kuwa laga qaadayo.

Markii uu shalay soo dhammaaday shirkii Golaha wasiirada ayuu ra’iisal wasaaraha shir gaara isugu yeeray dhowr wasiir iyo xubno ka socday ururada bulshada ee dalka ka jira, wuxuuna shirkaasi uga dhawaaqay inuu magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha u qaabilsan haweeneyda lagu magacaaaboo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyadoo la sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu arkay  baahida loo qabo xoojinta iyo horumarinta xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha. Waa jagadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo dalka lag sameeyo, iyagoo toos u hoos tegi doonta xafiiska Ra’iisal wasaaraah..

Maryan Yaasin Xaaji Yusuf waxay ahayd Agaasimihii Fulinta ee hay’adda IIDA, waxayna wararku sheegayaan in magacaabideeda uu ka danbeeyay heshiis ururkaasi iyo Ra’iisal wasaaraha dhex maray oo salka ku haya mashruuc laga helay Midowga Yurub oo Ra’iisal wasaaruhu iyo ururka IIDA ay heshiiyeen inuu ururkaasi fuliyo is afgarad hoosena lagu gaaray in dowladda aanay waxba ka ogaan oo isla qof ka mida ururkaasi loo magacaabo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON