Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar isagoo hogaaminaya wafdi culus oo ka socda xukuumadda Soomaaliya socdaal rasmi ahna muddo dhowr maalmood ah ku joogi doona dalkaasi.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa kamida wasiirada Arrimaha Dibadda Qorsheynta, Caafmaadka iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada, laakiin markii ay ka degaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad waxaa soo dhoweeyay wasiir ka tiran xukuumadda Qatar.
Wafdiga heerka sare ah ee Soomaaliya ka socday waxaa garoonka uga hor yimid wasiirka Waxbararashada iyo Tacliinta sare ee dalak Qatar Maxamed C/waaxid Alxamaadi sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Qatat, waxaa kaloo soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha ka qeyb galay sii haya safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Mukhtaar Cali Yuusuf.
Safarka waxaa gebi ahaanba uu ahaa mid ay soo qorsheysan, soona diyaarisay oo waqtigiisa ay goysay dowladda Qadar oo ay ka muuqatay inay si weyn u daneyneyso arrimo dhowr ah oo Soomaaliya ku saabsan. Laakiin waxaa wax lala yaabo ah in Ra’iisal wasaaraha uu heli waayo soo dhoweyntii uu mudnaa, waxayna tani mar waliba ku dhacdaa madaxdeena oo caadiyan ay garoomada diyaaradaha ku soo dhoweeyaan madax aan uga heer hooseysa.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]