Thursday, July 17, 2025

Ra’iisal wasaaraha Somaliya oo war kasoo saaray weerarkii lagu dilay shaqaalaha Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday dhaqaatiirta ka howgalayay Isbitaalka Deva, kaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Shacabka Soomaaliyeed marnaba in aysan ka weecin doonin wadada toosan ee horumarka, falalka guracan ee kooxaha sharwadayaasha ah ay geysanayaan, wuxuna ku baaqay in gacan la siiyo Ciidamadda Ammaanka si looga hortago kuwa dhibaatada geysanaya.

—-DHAMMAAD—-

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON