Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa mar kale maanta mar kale hortagaya Baarlamanka Soomaaliya oo ay ka socdaan su’aalo la weydiinayo labada mas’uul.
Kulankii shalay oo maqribnimadii la isla gaaray ayaa waxaa haray in ka badan 20 xildhibaan oo isku qoray inay su’aalo weydiiyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda oo su’aalo aad u adag ay wajahayaan ayaa jawaabahoodu ahaayeen kuwo aan lagu qancin.
Waxaa soo baxaya hadallo xildhibaanno badan qabaan oo ah inay is casilaan taliyeyaasha ciidamada dalka oo ku fashilmay sugidda ammaanka caasimadda.
Goobjooge.com