Monday, June 23, 2025

Ra’iisal wasaare Afrikan ah & xukuumadiisa oo isu casilay fashil Amni & Mooshin u diyaarsanaa..

Ra’iisal wasaaraha dalka Mali iyo xukuumadiisa ayaa is -casilay wax yar ka hor iyadoo la qorsheeyay in Baarlamaanka dalkaasi uu u qaado codka kalsoonida, kadib markii xukuumada lagu dhaliilay inay ka gaabisay wax ka qabashada shaqaaqooyinka iyo amni darrada dalkaasi.

Ra’iisal wasaare Soumeylou Boubeye Maiga oo ah 74 sano jir xilka loo magacaabay sanadkii 2017 ayaa xalay ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, kadib markii xukuumaddiisa waxba ka qaban weyday weerarrada kooxaha islaamiga ah ee dalkaasi ka jira iyo isku dhacyada qabiilka ku saleysay ee dalkaasi ka dhacayey.


Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa la magacaabi doonaa ra’iisal wasaare cusub oo dalkaasi yeesho, kaasoo soo magacaabi doono xukuumad cusub sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Madaxtooyada dalkaasi.

Ad

Ra’iisal wasaaraha is-casilay ee Soumeylou Boubeye Maiga ayaa xukuumadiisa ku fashilantay inay wax ka qabato xaaladda amniga dalkaasi oo ay dowladda dagaal kula jiraan kooxo xagjir islaamiyiin ah, waxaana arrintaasi soo raacay in bishii hore iska hor imaadyo beeleed bartamaha dalkaasi loogu dilay dad gaaraya 157 qof oo tuulooyinkooda lagu weeraray.

Dhacdadaasi ayaa keenay inay magaalada Bamako ka dhacaan bannaanbaxyo looga horjeedo xukuumadda dalkaasi oo markii dambe keenay inu is casilo Ra’iisal wasaare
Soumeylou Boubeye Maiga iyo xukuumadiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON