Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo shalay hadal ka jeediyay Shirkii lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Dajinta Halbeega Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la ogeyn halka ay ku baxday Lacag loogu talo galay Barnaamijka New Deal ee Hiigsiga Cusub.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa Xusay in 650 Milyan Beesha Caalamka ay ugu talo gashay in lagu bixiyo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya islamarkaana aan la ogeyn halka ay martay Lacagtaasi qaar ka mid ah.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa Tilmaamay in Xukumaddiisa ay wado Qorshe lagula Xisaabtamayo Deeq bixiyaasha Taageera Soomaaliya si loo helo halka ay maraan Malaayiinta Dolar ee Soomaaliya loogu deeqo.
DHAGEYSO
Goobjooge.com