Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa bilaabay qorshe xilalka looga qaadayo agaasimeyaasha wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.
Qorshahan oo la filayo inuu galaafto agaasimeyaal dhowr ah ayaa looga dan leeyahay in xilliga kala guurka ah lagu magacaabo toban agaasimeyaal cusub, waxaana Ra;iisal wasaaraha u diyaarsan agaasimeyaal cusub oo qaarkood hoteelada Muqdisho degan muddo bilo ah.
Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha ugu horeeya waxaa ka mida Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Arrimaha dibadda, waxaana xil ka qaadista agaasimahani lagu wadaa inay soo baxdo maalmaha soo socda.
Goobjooge.com