Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’ake ayaa la filayaa inuu booqdo markii ugu horeysay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya iyo xerooyin kale oo qaxooti ga Soomaaliyeed ku jiraan.
Xerada Qaxootiga ugu weyn ee Dhadhaab ayaa noqon doonta meesha ugu horeysa ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya booqan doono, waana xerada ugu weyn ee qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu tegi doono Jaziirada Malta halkaas oo qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin, kuwaasoo dalka Liibiya ka tahriibay dacalkana ku haya Yurub.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay ka ambabaxay Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Kenya, iyadoo kadib magaalada Nairobi socdaalkiisa ku tegi doona xeryaha qaxootiga, wararka ayaa sheegaya in socdaalkiia ay ku wehli doonaan xubno uu ka mid yahay Axmed Madoobe oo ku sugnaa magaalada Nairobi.
Goobjooge.com