Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta booqday Mowlaca Sheekh Muxyadiin Celi oo ka mida xarumaha faafinta diinta ee ugu waaweyn Koonfurta Soomaaliya, waxaana la sheegay in aabihii C/rashiid Cali Sharma’arke uu booqan jiray xiligii uu xilalka sare ka hayay dalka.
Ra’iisal wasaaraha oo ay wehliyaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab, Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ayaa salaan ugu tegay Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin oo xaruntiisu tahay mowlaca, waxaana halkaasi loogu sameeyay Ra’iisal wasaaraha qado sharaf.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Mowlaca yimaado isagoo keligiis ah balse duruuftu ay kaliftay xaaladda, wuxuuna sheegay inuu mowlaca ka tirsan yahay.
HOOS KA DAAWO VIDEO
https://www.youtube.com/watch?v=aJfrOMfNtdA
Waxaad daawan kartaa marka aad facebook ku jirto
Goobjooge.com