Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo guddoominaya shirka Golihii wasiirada ee xilka sii haya

Golaha wasiirada ee xilka sii haya ayaa markii ugu horeysay muddo ka badan bil maanta ku shiraya xarunta xukuumadda kadib markii loogu yeeray inay shirkii Khamiislaha ahaa dib u soo nooleeyaan. waxaana shir guddoominaya Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali.

golahawasiirada

Shirka Golaha wasiirada ee xilka sii haya ayaan qabsoomin tan iyo intii la magacaabay CCC, waxaana la baajiyay muddo dhowr jeer ah oo la filayay inuu qabsoomo kadib markii ay weji gabax u arkeen Ra’iisal wasaaraha cusub iyo xogheyntiisa, laakiin waxaa ugu dambeyn qasab ku noqotay Cumar C/rashiid iyoo guddoomiyo Golihii wasiiradii hore taasoo ay ugu wacan tahay is mari waaga kataagan magacaabidda Gole wasiiro cusub.

Shirka maanta oo goor dhow furmaya ayaa ka dhigan inuu Ra’iisal wasaaraha Cusub ku qasbanaaday inuu guddoomiyo golihii wasiirada ee ra’iisal wasaarihii ka horeeyay. Guddoonka Baarlamaanka ayaa culeys weyn ku saaray Ra’iisal wasaaraha inuu shiriyo wasiirada xilka sii haya oo aanay suuragal ahayn muddo intaas la eg in shaqada xukuumadda ay hakad ku jirto.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ridwaan Xersi Maxamed ayaa qabanqaabiyay shirka isagoo si rasmi ah xilka u sii haya sida sharcigu yahay. Waxaa la filayaa in arrimaha looga hadlyo ay ugu horeyso socdaalka Madaxweynaha Turkiga ku imaan doono Muqdisho.

Qaar badan oo ka mida Golaha wasiiradii hore oo hadda mucaarad ahaa ayaa laga cabsi qabaa inay shirkan uga faa’iideystaan arrimo u gaara.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON