Saturday, June 28, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ceebeeyay Xisbiyadii ka dacweeyay Maxkamadda Sare

Ra’iisal wasaaraaha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah isaga oo  xisbiyo siyaasadeed ay u gudbiyeen Maxkamadda sare, waxaana Cumar C/rashiid  iyo Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa lagu soo eedeeyay inay xayireen sharcigii axsaabta.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in xisbiyada sheegtay inay dacwad ka gudbiyeen isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha aysan heysan sharciyad ay dacwad uga gudbiyaan iyagana aysan ahayn xisbiyo jira oo sharci ah. Wuxuu intaas ku daray in xitaa haddii ay dacwad qabaan aysan xaq u lahayn in ay u gudbiyaan Maxkamadda Sare, waxaana uu sheegay in loo baahnaa in ay u maraan Baarlamaanka ama Xukuumadda balse ay marin habaabeen.

Wuxuu xisbiyada siyaasadda ee Muqdisho ka jira ku ceebeeyay inay yihiin xisbiyo sheegta inay xisbiyo yihiin laakiin ay ka jiraan Muqdisho kaliya, sidaasina aanay xisbiyo ku noqon karin oo xisbiga looga baahan yahay  inuu dalka oo dhan ka jiro.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa caddeeyay in sharciga xisbiyada ay  gacanta ku hayaan Guddi ay u saartay Wasaaradda arrimaha gudaha, ayna filayaan in dhowaan la hor geeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON