Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka isagoo ku biiraya wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hore u tegay halkaasi.
Sababta Ra’iisal wasaaraha loogu baahday ayaa la sheegay inay salka ku heyso kulan xasaasi ah oo Golaha ammaanka la yeelan doono dowladda Soomaaliya, kulankaas oo Qorshe jeexan “Road Map” cusub oo ku saabsan sida looga baxayo kala guurka la siin doono dowladda Soomaaliya, lagana doonayo inay ku fuliso mudada ka hartay xilkeeda oo sanadkan ku dhow.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga rabaa inay fuliso, isla markaana saxiixo qorshahaasi, waana tan keentay in loo baahdo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo shaqada oo dhami laga rabo inuu fuliyo, madaxweynuhuna oo kormeere noqonayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay fadhigiisa 70-aad, kadibna waa dhici doona kulanka xaaladda Soomaaliya looga hadlayo oo ay wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]