Saturday, June 28, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Guuleed Xuseen Qaasim.

Xil ka qaadistan ayaa timid heshiis hoose oo dhex maray Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo ku saabsan isbaheysi dhinaca doorashada 2016-da, waxaana xilkan loo magacaabay nin lagu magacaabo Maxamed Jaamac Mursal (Geelle).

Wasiirka cusub ayaa ee loo  magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Geelle ayaa ah nin aad ugu dhow Axmed Madoobe, kana tirsanaa saraakiisha Xafiiska IGAD ee Soomaaliya.

Akhri: Xog ku saabsan xilka qaadista Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim

Warar xogogaal ayaa sheegaya in dowladda Kenya aya ku lug leedahay arrintan, iyadoo xilliga kala guurka ah ay caadiyan dhacdo in xilal fara badan la magacaabo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON