Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) aya asheegay in shirka wadatashiga hiigsiga cusub ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho aan looga hadleynin qaabka doorasho dalka looga qaban doono arrintaas oo uu ku tilmaamay mid u taalla dadka Soomaaliyeed oo ra’yi laga soo ururin doono ilaa bisha December 2015.
Cumar C/rashiid ayaa shirkii maanta kadib saxaafadda u sheegay in dowladda federaalka aanay dooneynin inauy dusha go’aan uga keento dadka sidaasina ay la-tashiga u fureen, wuxuuna intaasi raaciyay in shirka Muqdisho ka socon doona 19-20 ka Oktoobar 2015 looga hadli doona meesha xaaladda hadda jirta looga guurayo isagoo aan faahfaahin kale bixin.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay ka baxday kumeelgaarkii, balse talo wadaag ay ka door biday in arrintan laga yeesho.
GOOBJOOGE.COM