Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaare C/weli oo ka tanaasulay inuu hortago Baarlamaanka (Maxaa dhacay?)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo mooshin ka yaallo Baarlamaanka lana filayo in dooda mooshinka ay berito bilaabato isla markaana codka kalsoonida loo qaado Sabtida ayaa ka tanaasulay qorshe ahaa inuu  hortago Baarlamaanka oo iska difaaco eedaha loo soo jeediyay xukuumadiisa.

cwelibarlaman

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawari) ayaa kulankii Talaaladii ee Baarlamaanka ka sheegay inuu si rasmi ah u ogeysiisay ra’iisal wasaaraha mooshinka ka yaala Baarlamaanka, isla markaana ugu yeeray inu yimaado kulanka Baarlamaanka iskana difaaco waxqabad la’aanta lagu soo eedeeyay. Arrintaas waxaa si weyn uga qeyliyay xildhibaannada mooshinka keenay oo diidanaa in Ra’iisal wasaaraha hor yimaado Baarlamaanka.

Warar ku dhowdhow ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya inuu ka tanaasulay xaqii uu lahaa inuu hortago Baarlmaanka, isla markaana u hogaasamayo wixii ka soo baxa codeynta xildhibaanada. Lama oga sababta ra’iisal wasaaruhu isaga dhaafay tegista Baarlamaanka, waxaase la filayay in xildhibaanada mooshinka keenay ee taageersan madaxweynaha ay qorsheynayeen inay  carqaladeeyaan ra’iisal wasaaraha.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON