Ra’iisal Wasaare Kheyre oo canaantay Wakiilada Beesha Caalamka & Dalab uu hordhigay [Akhriso]

0

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulan uu la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka ka dalbaday inay dhaqaale  ku bixiyaan mashaariicda horumarineed  ee dalka.

Wuxuu  Ra’iisal wasaaraha u sheegay wakiilada beesha caalamka inay wax muuqda u qabtaan Soomaaliya sida mashaariicda dhismaha Wadooyinka, Buundooyinka, Dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo mashaariicda waxsoosaarka oo keeni kara inay shaqo u abuuraan Dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Mudane Kheyre ayaa si weyn u canaantay  qaabka beesha caalamka ula macaamisho Soomaaliya oo Balaayiin doolar ay sheegeen inay ku bixiyaan Soomaaliya iyadoo aanay jirin wax muuqda oo ay ku qabteen, balse kadhigtay inay diyaarado ku raacaan.

Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay wakiilada Beesha Caalamka, siiba kuwa Reer Yurub oo lacago badan u qoondeeya Soomaaliya, basle aanay muuaqan wax ay qabteen.  Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in dhaqankii hore uusan soconeynin oo loo baahanyahay in isbedel dhab ah ay la yimaadaan beesha caalamka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in dowlada Federaalka ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka inay dhaqankooda bedelaan.

GOOBJOOGE