Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Dalab adag hordhigay hogaamiyaha Ahlu Suna & sXildhibaanadii Ahlu Suna soo xushay oo..

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, kadib kulan kale oo dhex maray Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Kulanka oo ahaa mid adag ayaa looga hadlay xaaladda Doorashada Galmudug iyo sidii looga gudbi lahaa is mari waaga ka taagan soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka cusub eeGalmudug, iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre uu hoggaamiyaha Ahlu suna ka dalbaday in dib loo dhigo xildhibaanada Ahlu suna inta ay beelaha Galmudug kasoo magacaabayaan xildhibaannadooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay beelaha Galmudug ku qanciso inay xubno u reebaan Ahlu suna, iyadoo markaas kadib Ahlu suna loo qoondeeyo xubnaha iyo sida beelaha Galmudug ugu ogolaadaan inay xubnahooda siiyaan.

Arrintan ayaa noqotay mid ku adag Ahlu suna, iyadoo la ogyahay inay horeba u magacawday 20 xildhibaan, iyadoo aan u eegin tirada beelaha iyo beelaha ogol inay xildhibaanno siiyaan Ahlu suna, taasoo keentay in odayaasha beelaha qaarkood ay ku gacan seyraan inay wax xubno ah siiyaan Ahlu suna.

Ahlu suna ayaan wax jawaab ah ka bixin arrintan, waxayna ku adkeysanayaan inaysan ka noqon karin xildhibaanno la magacaabay oo diyaar u ah xilalkooda, halka xukuumadda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in Ahlu suna aysan iyadu soo xulan xildhibaannada ay rabto, balse ay ka sugto inay u ogolaadaan beelaha Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON