Ra’iisul Wasaaraha oo Shir Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Fulinta Qodobadii ka soo baxay shirkii London.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska.
Qodobada muhiimka ah ee shir diiradda lagu saaray waxaa kamid ah dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka oo qeyb ka ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee shirkan London looga hadlay, kaas oo horey dawlada dhexe iyo maamulada Federaalka ku heshiiyeen qaabkii dib u dhiska loogu sameyn lahaa ciidanka Qaranka,
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fderaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Ciidamo gaaraya 18 000 askeri ayaa la doonayaa in lagu bilaabo in ay noqdaan ciidamada isku dhafka ah ee ka yimid dhamaan dowald goboleedyada kuwaas oo dib loo kala dejin doono xeryihii ama qaybhihii ciidanka ee jirey ka hor 1991.