Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Saqdii dhexe kormeer Dhoolatus ah ku maray qaar ka mid ah Isgoysyada Magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay Saraakiisha ciidamada amniga.
Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay mas’uliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo wasiirka Ciyaaraha xukuumadiisa oo ka mida xubnaha sida weyn u taageera Kheyre.
“Kormeer aan kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaan kusoo arkay shacab jecel dawladdooda, waxaan u sheegay inay la shaqeeyaan saraakiisha amniga ee wakhtiga badan ku bixinaya sugidda amniga..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay kormeerkiisa.