Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo ku dhawaaqay Qorshe lagu sugayo ammaanka Muqdisho

0

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay inuu jiro qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka Muqdisho.

Isagoo marti ku ahaa TV-ga dowladda ayuu sheegay in dowladda Federaalka ay muddo kooban ku diyaarisay Qorshe Amniga Caasimadda loogu tala galay in lagu xasiliyo Amniga iyo nabadda.

Wuxuu iontaas ku daray in fulinta qorshaha oo bilaabaanaya looga baahan yahay shacabka in ay la shaqeeyeen ciidamada dowladda, soona sheegaan ciddii ku dhex jirta falal ammaandarro.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka wuxuu ku dooday in ammaanka aysan sugi karin oo kaliya  wasaaradda Amniga iyo Nabadsugidda, balse masuuliyad ka saaran yahay qof kasta oo muwaawin ah.

DHAGEYSO