Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dalka Masar u hoggaamiyay arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heshay dalkaasi.
Wuxuu sheegay inuu ka qeyb gelayo Shirka dhalinyaradda Aduunkaoo looga hadlo xaalada dhalinyaradda iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada, waxayna shirka dhexdiisa isku arkeen Madaxweyna Masar C/fatax Al-sisi.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie.