Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur galaan xaalada magaalada iyo fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga Shabeelle.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo qubaro, waxaana jirta cabsi laga qabo roobab dabeylo wato inay ku dhuftaan meelo ka mid ah Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa kormeeri doona Wabiga Shabelle ee mara Beledweyn, waxaana ay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, si ay ugala hadlaan wararka ka soo yeeray culimada sayniska, gaar ahaan roobabka la saadaalinayo ee loogu magac daray El-Nino.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in u jeedka Safarkan uu yahay in dadka gobolka Hiiraan laga wacyi geliyo saamaynta ka dhalan karta dabaylo laga baqayo inay ku dhuftaan qaybo ka mid ah gobolkaas.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago degmooyin ka tirsan gobolada dalka ee ay maraan wabiyada, si uu ugu kuur galo xaalada, waxaana beryahan dowladdu waday dadaalo la xiriira sidii deg deg ah loogu gurman lahaa marka ay dhacaan musiibooyin.
Goobjooge.com