Saturday, July 5, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo Mahdi Guuleed 12 Sii-haye Wasiir u magacaabay Guddiga Aaska Cali Khaliif &..

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Ra’isial wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah sii-haya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana ka mida 12 sii-haye wasiir oo ka mida xukuumadda xilka sii heysa, iyadoo dhinaca kale uu Ra’iisal wasaaraha tacsi hawada u mariyey marxuum Cali Khaliif.

Dhinaca kale waxaan weli caddeyn halka lagu aasayo Marxuum Cali Khaliif, iyadoo is-maamulka Soomaalida Itoobiya xubno ka mida ay sheegeen in lagu aasayo Magaalada Jigjiga, waxaana madaxweynaha maamulkaasi Mustafe Cagjar uu soo saaray amar ah in la baaro sababtii geerida marxuumka inta aan la aasin.

War goor dhoweyd kasoo baxay Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu shaaciyey Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Mukhtaar Yuusuf ayaa lagu sheegay inuu Marxuum Cali Khaliif u geeriyooday cudurka Covid-19.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON