Ra’iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la yeeshay xildhibaanno u badan wasiirada xilka sii haya.
Kulankan ayaa waxaa ka dhex muqday Wasiirada xukuumadii dhacday ee xilka sii haya oo taagero u muujiyey Ra’iisal wasaare Rooble, waxaana kulanka uu ahaa hambalyo, iyadoo garab istaag loogu muujiyey Ra’iisal wasaaraha oo la filayo inuu hortago Baarlamaanka si uu kalsooni u helo.
Ra’iisal wasaaraha ayaa mari doona laan kalsooni siin, iyadoo marka hore xildhibaannada ay isaga u codeyn doonaan, kadibna cod loo qaadi doono Golaha wasiirada ee uu soo magacaabo.





