Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisal wasaarihii hore Mudane Saacid oo ka hadlay weerarkii Hotel Saxafi

Saacid

Ra’iisal wasaarihii hore hore ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa  si kulul u cambaareeyay weerarki Aragagixisada shalay ay ku qaadeen Hotel Saxafi. Dr. Saacid ayaa ugu horeyn  tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada dadka waxyeelada xanuunka badani ka soo gaartay weerarkii argagixisada ee shalay ka dhacay Hotel Saxafi.

“Waxaan weerarkii argagixisada ee shalay ku weynay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ahaa xubin culus oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya isla markaana aan oran karo waxa uu ka mid ahaa xubnaha horseedka ka ah hannaanka dimoqraadiyeynta Soomaaliya, Gen. Cabdikariin Yuusuf Aaden oo ahaa Abaanduule ciidan oo geesi ahaa, Ganacsade Cabdirashiid Shire Ilqeyte oo ahaa ganacsade caan ah bulshadana xurmad ku dhex leh, wariye hawl u taagan iyo ummad Somaaliyeed oo aan waxba galabsan oo si farxad leh qoysaskoodii ugu soo shaqo tagay. Midkoodna ma galabsan qur-gooyada iyo xanuunka loo geystay.

Ra’iisal wasaare  Saacid  ayaa mar kale qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan si aad ah u cambaareynayaa falkaas aragagixiso ee waxuushnimada ah, Waxaana ummadda Soomaaliyeed iyo dawladaba ugu baaqayaa inay si buuxda isaga kaashadaan la dagaalanka caddowga Nabadda, Nolasha iyo Horumarka u diiday dadka iyo dalka Soomaaliyeed”.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON