Saturday, June 28, 2025

Ra’iisal wasaarihii hore oo loo caleemo saaray hoggaamiyaha isbaheysi cusub oo siyaasadeed

Shir  muddo laba maalmood ah u socday  aqoonyahano, Indheeragarad, Siyaasiin, Xisbiyada dalka ka jira iyo Kutlooyinkii Baarlamaanka ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho iyadoo lagu dhisay Madal ay ku mideysan yihiin oo loogu magac daray Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed.

002Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed waxaa Gudoomiye loogu doortay:

  1. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed;
  2. Waxaa  Gudoomiye ku xigeen 1- aad loo doortay Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi ( Baadiyow)
  3. Gudoomiye ku Xigeenka 2aad waxaa loo doortay Xuseen Carab Ciise,
  4. Gudoomiye ku xigeenka 3-aad Dr. Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi,
  5. Xoghayaha Guud waxaa loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed ).

001

[ad name=”HTML-2″]

Gudoomiyaha cusub ee Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed Dr.  Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Madashu aysan cidna caddow ku ahayn, wixii wanaag ahna ay kula shaqeyn doonto dowladda, isla markaana ay talo iyo nasteexo ka siin doonto wixii khaladaad ah ee ay arkaan. 

C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay inaysan ka suuragelin dhinacooda inay ka hor yimaadaan dowladda, laakiin howsha ugu weyn ee madasha ay tahay inay talada ku celiyaan dadka, wixii khaladaad ah ee ay arkaana ay tilmaan ka bixiyaan sidii loo toosin lahaa.

004

Madashan oo in dhoweydba dhaqdhaqaaqeedu ka socday Muqdisho ayaa noqon karta awood siyaasadeed oo xaalada dalka isbedel ku keeni karta, iyadoo xilligan loo baahnaa isbaheysi Soomaaliyeed oo dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh siyaasad ahaan kula dagaalama hiigsiga cusub iyo waxqabadka laga doonayo.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

<div id=”adkengage_ssp_div”></div><script type=”text/javascript” src=”http://adkengage.com/pshandler.js?aid=11583&v=omtJ%2fEoB5ruM4T3m%2bPJ8IA%3d%3d&dpid=6682″></script>

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON