Ra’iisal wasaarihii Ingiriiska Liz Truss ayaa maanta shaacisay inay is casileyso, kadib cadaadis xoog leh oo uga yimid xisbigeeda, taasoo ka dhalatay qalalaasaha dhaqaale ee ka jirta dalkaasi, iyagoo ka noqoshada go’aano ay hore u qaadatay.
Haweeneydan ayaa noqoneysa ra’iisul wasaarihii ugu xilliga yaraa ee taariikhda dowladda Britain, waxayna xafiiska joogtay 45 maalmood oo kaliya. Truss ayaa waxaa galaaftay Barnaamijkeedii dhaqaalaha oo xaalad argagax ah ka dhaliyay Suuqyada dhaqaalaha, islamarkaana kala qeybiyey xisbigeeda Conservative-ka.
Hoggaanka cusub ee xibiga iyo Doorashada Ra’iisal wasaare cusub ayaa ku dhaceysa toddobaad gudihiis. Waxay khubad ka jeedisay bannaanka xafiiska 10 Downing Street, waxayn aqbashay inay awoodi weysay inay kasoo baxdo ballan-qaadyadii ay sameysay markii ay u tartameysay hoggaanka Conservative-ka, isla markaana ay lumisay aaminaadda xisbigeeda.
“Waxaan garowsanahay, ayada oo la eegayo xaaladda, inaan kasoo bixi waayey waajibaadkii uu ii doorta xisbiga Conservative-ka. Sidaas darteed waxaan la hadlay Boqorka kuna wargeliyey inaan iska casilayo hoggaanka Xisbiga Conservative-ka,” ayey tiri Liz.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa dalbaday doorasho guud oo dalka Britian ka dhacda si xaaladda taagan wax looga bedelo.
