Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan ku sugnaa ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Xamsa Barre ayaa noqonaya Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee ka socda dowlad Soomaaliyeed oo booqda Jigjiga, iyadoo uu taariikhdaas oo kale u dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal kusoo dhoweyey Madaxweynaha Dowlad deegaanka soomalida Mustafa Muxumed Cumar iyo madaxda maamulka Somali State.
Dadka qaarkiis ayaa dood ka keenay in tegista madaxda dowladda Soomaaliya ee Degaanka Soomaalida ay ka dhigan tahay aqoonsi, iyadoo Dastuurka Soomaaliya aanu aqoonsaneyn xuduudaha gumeysiga u sameeyay dhulka Soomaalida.

Akhriso: Socdaalkii muranka dhaliyey ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Jijiga