Sunday, June 22, 2025

Raila Odinga oo ku dhawaaqay Dhaqdhaqaaq cusub, kuna baaqay in la qaadaco Dooarashada

Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dadka Kenya inay qaadacaan doorashada madaxweynaha ee dalkaasi ka dhici doono Berri oo ah ku celis, isla markaana ay guryahooda joogaan.

Isagoo kumanaan qof kula hadlayay goor dhoweyd fagaaraha Uhuru ee magaalada Nairobi ayuu sheegay inaysan jirin doorasho xaq iyo xor ah, wuxuuna ku dhawaaqay in Xisbigii Isbaheysiga mucaaradka NASA uu hadda isu bedelay dhaqdhaqaaq iska caabin ah.

Ad

Raila Odinga ayaa doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha Kenya ku tilmaamay mid sharci darro ah, wuxuuna taageerayaashiisa ka codsaday inay u duceeyaan dalka Kenya oo guryahooda hoosta ka xirtaan.

Maxkamadda Sare ee Kenya oo maanta lagu waday inay qaado dacwadii mucaaradka ay u gudbiyeen si dib loogu dhigo doorashada ayaa u qabsoomi waayay fadhigeeda markii ay soo xaadiri waayeen qareenadii Maxkamadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON