Friday, July 4, 2025

Raila Odinga oo ku dhawaaqay Waqtiga loo dhaarinayo xilka Madaxweynaha Dalka Kenya

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay in loo caleemo saarayo madaxweynaha shacabka Kenya.Isagoo la hadlayay taageerayaashiisa maanta ayuu sheegay in loo dhaarin doono xilka madaxweynaha dadka Kenya 12-ka Disembar oo ah maalinta “Jamhuri Day” , wuxuuna intaas ku daray in Uhuru Kenyatta aanu ahayn madaxweyne Sharci ah ee uu yahay is boqray.

“Anigu ma ahi fuley, Waxaa madaxweyne la ii dhaarin doonaa maalinta Jamhuuri, waxaan ahay madaxweynaha sharciga ah” ayuu yiri Raila Odinga oo taagerayaashiisa kula kula hadlay jidka Mayanja ee magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in dhaarta xafiiska madaxweynaha ee loo dhaarin doono 12-ka Disembar ay ku caddahay Qeybta 1 ee Dastuurka Kenya oo sheegaya in awoodda u leeyahay shacabka, taasoo ku dhisan natiijadii cod bixintii 8-da Ogost oo uu sheegay inuu isagu ku guuleystay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo caleemo saaray markii labaad madaxweynaha dalka Kenya xaflad ka dhacday garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON