Toddobaad tashiyo aan kala go’ lahayn iyo kala xulasho shaqsiyaad ay soo diyaariyeen saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib ayaa wararka ku dhowdhow Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegayaan inay yaraatay rajadii laga qabay in jagadaasi loo magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ay sii yaraaneyso.

Cumar oo hadda Soomaaliya safiir uga ah dalka Mareykanka waxaa taageero weyn uu ka heystay qaar kamida kooxda madaxweynaha ku xeeran iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna wararku sheegayaan in beesha caalamka latashiyadii lala yeeshay uu ahaa qofkii ugu dhowaa ee ay sheegeen inay aqoon u leeyihiin liiskii uu ula tegay Faarax Sheekh C/qaadir oo dhowaan Nairobi kasoo laabtay, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid saaxiibka ugu weyn madaxweyna oo isagu wata Wasiirka Maaliyadda ee xiligan Xuseen Cabdi Xalane oo xilkaas loo saadaalinayo.
Rajo xumida ku dhacday Cumar C/rashiid ayaa timid kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta la xiriiray musharaxa Cumar C/rashiid kana baajiyay safar hore loogu yeeray inuu Muqdisho yimaado, taasoo loo fasirtay in rajadii safiirka ay halkaas ku dhammaatay.
Inta badan go’aanka ugu danbeeya ee talooyinka madaxweynuhu qaato waxaa leh wasiir Faarax Sheekh
C/qaadir, waxayna wararka madaxtooyada laga helayo sheegayaan in tashiyadii magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ay soo dhamaadeen oo la sugayo ku dhawaaqidda kaliya oo ku xiran xilliga uu doorto madaxweynaha.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]