Monday, July 14, 2025

Rasaas ka dhacaysa Garoonka Muqdisho iyo Alshabaab oo weerarray Xarunta Xalane..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasas ay ka dhacday Iridka ugu weyn ee laga galo garoonka Diyaaradaha, gaar ahaan xarunta Xalane ee Medina Gate.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalyahanno ka tirsan weerarka qaadeen, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay iska hor imaad la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Kooxda hubaysan ayaa la sheegay inay gudaha u gashay xarunta Save Line oo ku dhow Marine Gate, iyadoo aanay caddeyn sida ay halkaasi ku gaareen.

Rasaas ayaa laga maqlayaa goobta, waxaana weli soo baxaya wararka ku saabsan weerarkan oo ah kii ugu horeeyay ee Alshabaab u suuragasho inay gaaraan gudaha Garoonka iyo Xarunta Xalane.

Xalane ayaa ah goobta ay ku taallo Teendhada lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo laba bilood ee soo socda.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON