Warar laga helayo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in laga maqlayo rasaas la is weydaarsanayo, iyadoo dadka degaanka ay ku warramayaan in dagaal beeleed oo muddo halkaasi ka jiray uu dib u bilowday.
Rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha iyo duleedka magaalada Marka iyadoo ay ugu daran tahay xaafadda caanka ah ee Waan-Cuneynaa. Dadka qaarkii ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadaasi.
Qasaaraha ayaa weli soo baxaya iyadoo ay xilli hore tahay faahfaahinta dagaalka socda, ayaa haddana waxaa la soo weriyay dhimashada 4 ruux iyo dhaawac ka badan intaasi inay jiraaan oo qaarkood isbitaalka magaalada la gaarsiiyay.
Magaalada Marka oo dhowaanahan ay ka dhacayeen dilal ay ciidamada AMISOM ka geysteen ayaa haddana u muuqata inay dib uga soo cusboonaatay colaadii qabiil, waxaana maqan doorkii dowladda federaalka iyo maamulka K/Galbeed oo u muuqda inay ku fashilmeen wax ka qabashada xaalada magaalada cakiran ee Marka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]