Ciidamada Ruushka ayaa soo saaray digniin ku socota dadka rayidka ah ee ku nool caasimadda Ukraine ee Kyiv, gaar ahaan kuwa degan agagaarka xarumaha ciidamada dalkaasi oo loogu baaqay inay ka fogaadaan xarumahaasi.
Warka kasoo baxay Wasaradda Difaaca Ruushka ayaa lagu sheegay in Hub nooc cusub ah oo aad u xeeldheer lagu duqeyn doono xarunta Teknologiyada ciidamada Ukraine ee laga hago ololaha dagaalka iyo xarumaha isgaarsiinta ciidamada Caasimadda Kiev oo uu ku eedeeyay inay faafinayaan dacaayado dagaal oo halis ku ah Ruushka.
Wax-yar kadib digniinta Ruushka waxaa Gantaallo lagu weerarray xarunta isgaarsiinta iyo Tower-ka Telefishanka dalkaasi ee caasimadda Kiev, waxaana magaalada laga maqlay qaraxyo waaweyn galabnimadii maanta oo lagu beegsaday xarumaha ciidamada ammaanka ee Ukraine iyo hay’adaha sirdoonka.
Dadka ku nool caasimadda Ukraine aya laga dalbaday inay damiyaan nalala guryahooda iyo wixii iftiin ah ee ay adeegsan jireen si looga fogaado duqeynta Ruushka oo la filayo inay sii kororto saacadaha soo socda.
Ciidamada Ruushka ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Ukraine iyo magaalooyinka kale, waxaana duqeyn culus ay ku wadaan magaalooyin badan oo ka mida dalka Ukraine.
Safiirka Ukraine ee UK, Mr. Vadym Prystaiko ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay wadaan isku day ah inay go’doomiyaan magaalada Kiev, ayna abuuraan dhibaato cunto yari ah, iyagoo jaraya saadka magaalooyinka waaweyn.
Magaalada labaad ee dalka Ukraine ayaa ku jira xaaladii ugu adkeyd, iyadoo si weyn loo duqeeey magaalada, isla markaana dagaallo culus ay gudaheeda ka dhaceen.



