Friday, July 11, 2025

Ruushka oo sheegtay inuu Duqeyn ku dilay Hoggaamiyihii Sare ee Daacish

Ruushka ayaa sheegay in laga yaabo duqeyn ay diyaaradaheeda geysteen lagu dilay hoggaamiyaha sare ee kooxda Khilaafada islaamiga ee Daacish.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in baaritaan ku heysto xog sheegeysa in hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al-baqdaadi in lagu dilay duqeyn bishii hore ka dhacday dalka Suuriya.

Duqeynta ayaa la sheegay inay qaadeen diyaaradaha Ruushka oo lala beegsaday kulan ay lahaayeen saraakiisha sare ee Daacish, magaalada Raqqa sida ay shaacisay wakaalada wararka TASS.

Kulanka magaalada Raqqa ee la duqeeyay ayaa la sheegay in dadka ka qeyb galay uu ka mid ahaa hoggaamiyaha Daacish. waxayna ka hadlayeen sidii ay magaalada Raqqa uga bixi lahaayeen iyo qorshahooda dagaal.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Ruushka oo laf ahaantiisa sheegay inay u badan tahay inuu duqeyn ku dilay hoggaamiyaha Daacish. Waxaana jirtay in hore dhowr jeer hore loo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Daacish.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON