Saturday, July 5, 2025

RW Xamsa oo 24 saacad kadib magacabaay Guddi qaablisan Qaraxyadii Soobe 2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa 24 saac kadib magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gurmadka ee Qaraxyadii qasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay .

Qoraal ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona howlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin

4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin

5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin

6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin

7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin

8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.

4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON