Xaalada magaalada Afgooye ayaa saaka degan kadib weerarkii weynaa ee Alshabaab shalay ku soo qaaday degmadaasi oo saacado ay heysteen.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana soo baxaya magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku geeriyooday weerarka oo intooda badan lagu dilay qarixii is miidaaminta ahaa ee lala beegsaday saldhigga cusub ee Afgooye.
Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka aya gaareen 19 qof, halka dhaawaca ka badan yahay intaasi.
Taliyihii ciidamada Asluubta Afgooye ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dadka ku dhintay dagaalka, saraakiisha ku dhintay weerarkii Afgooye waxaa ka mida:
Axmed Cabduqadir Cabdulle Gorod
Cabdi Xasan Cabdulle Boqol
Cali Cabdi Yusuf – Cali Karadhi
Cabdifitaax Axmed Cartan
Maxamuud Dahir Faarax Qooleey
Alshabaab ayaa ka baxay magaalada kadib saacado ay ku sugnaayeen iyagoo gubay saldhigga oo ku burburay qaraxa, waxayna qasaare ba’an ka geysteen magaalada.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkii Afgooye ku dileen ilaa 35 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com