Saameynta ay reebi doonto, cashuurta cusub ee VAT – Somalia. waddamada hadda jira waxa ay ku tiirsan yihiin cashuurta ay qaadaan si ay u fuliyaan howlaha qaranka.
Meela badan oo adduunka ah waa laga qaadaa VAT, laakin waxaa laga fiiriyaa dhinacya badan iyada oo culeeyska laga yareeynayo shacabka, lana tixgalinayo xaaladda waqtigaa jirta sida: Dadka jeebkooda waxa ka goi’ kara, waqtiga ay soconee cashuurto, waxa lagu qabanayo iyo sida looga faa’iideeysanyo, xaaladaha qaarna iyada oo hore u jirtay ayaa la joojin karaa ama la yareeyn karaa.
Tusaale: Caalamka intiisa badan sannadkaan waxaa lagu heshiiyay in hoos loo dhigo cashuuraha (Goods & Sales Tax iyo Value Added Tax) GST & VAT. sidoo kale 28 waddan oo ku midoobay ururka reer yurub ee EUVAT ayaa sannadkan 2018 ku wada heshiiyay in ay hoos u dhigaan VAT.
Haddii ay badan tahay cashuurtu waxa ay sababee in sheygaa cashuurtiisu badatay isticmaalkiisa laga leexdo,ama ay dhashaan qaabab sharci daro ah oo cashurta looga baxsado.( fiiri sawirka 3aad).
Badanaa wadamada waxaa la muujiyaa sida cashuurtaan loo kala qeeybsanayo markii ay soo xarooto. Tusaale: Los Angeles oo ah magaalo dhaqaale leh waa 9% taa oo lafteeda loo sii kala qaadanayo, 7.5% qaranka, 1.5% gobalka,0.5 % magaalada, Si qayb ahaan ay dadka magaalada toos ugu soo noqoto.
Canshuurta iibka (Sales tax & Vat- value added tax) labaduba waxa ay ka mideeysan yihiin waxaa laga qaadaa qofka macaamilka ah ,laakin waxa ay ku kala duwan yihiin Sales Tax waa cashuur toos ah ( Direct taxation), halka VAT ay tahay cashuur dadban(Indirect Taxation). VAT ayaa xanuun badan oo hal sheey ayeey dhowr marxalad cashuurtu ku dhacdaa, mana dareemi karo cashuur bixiyuhu, laakin ST (Cashuurta iibka), waxaa laga qaadaa kan iibinayo laakin VAT waxaa laga qaadaa kan Gadanayo, ST qiimeeynteedu waa fududahay, VAT qiimeeynteedu waa dhib badan tahay.
VAT si xawaare sare ah ayeey u korortaa,dadkuna waxa ay ku doodaan in kororkaa laga joojiyo ( fiiri sawirada 4,5 & 6aad). Badanaa VAT toos uma muuqato, laakin mar dambe ayuu qofku dareemaa xanuunkeeda ( fiiri sawirada 7&8aad).
Malihi yaan la qaadin ,laakin 5% ma ahan wax yar haddiba ay VAT tahay, ileeyn soo noqnoqashadeeda ayaa keenee culeeys aad u weeyn oo si toos ah aan ugu muuqan kan bixinayo, inkasta oo dhaqaalayahana badan ay saa u ogyihiin ayaa haddana Wasaarada Maaliyadu boorka ka jaftay sharci L.2 ee soo baxay 7/1/1984. (Fiiri sawirka 9 & 10aad) Waqtigaa dhaqaaluhu ma aheeyn sida uu maanta yahay, cashhuur bixiyaha waxaa laga kabayay wax barashada caruurtiisa meel kasta oo uu dalka ka joogo, caafimaadka illaa xad iyo Adeegya kale oo lacag la’aan ahaa, iyo Cashuurtaa VAT dalka oo dhan isku si looga qaadayay, haddii hal deegaan laga qaado kan kalena aan laga qaadin, waxaa kala duwanaanaya heerka nololeed ee dadka, dadkuna waxa ay u guurayaan deegaanada aan laga qaadin, qofka waxa ay ku noqonee culeeys uuna dareemeeyn hadduna cilmiga dhaqaalaha la kaashan.
Dhaqaala yahanada jooga Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulku waa isku khilaafeen hirgalinteeda, laakin madaxda ayaa ku adkeeysatay.
Haddii qof lagu kordhinayo cashuurta, waa in marka hore la kordhiyaa dakhligiisa si wax uga go’aan, ama adeeg kale oo kharaj uga bixi jiray loogu qabto kharaj la’aan.
Aragtideeyda qof ahaaneed, Bisha June 2018 iyo wixii ka dambeeya ayaa la dareemi doonaa culeeyska ka dhalandoona, guri kasta waxa uu u baahan doonaa Biilka ,kharajka guud in la kordhiyo. Qofkii aanan helin dakhli dheeri ah mudadaa, waxaa soo fool saari doona culeeys dhaqaale,waana in uu hoos u dhigo dhamaan kharajyadiisa nololeed, sida kirada, korontada, gaadiidka, caafimaadka, waxbarshada, sadaqada, waxaana hoos u dhacaya qorshihiisii qofeed ee horuumarinta qooyska.
Xalku waa mid fudud in loo daayo dhaqaala yahanada maaliyada ama la abuuro koox Aqoonyahana ah oo mudda kooban xal ku raadiya, soo jeedintoodana la fuliyo.

FG: Ha u qaadan in aan wasaaradda dhaliilayo, wixii aan ku qaldamay iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir.