Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabelelaha Dhexe oo laga furay shirka Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta shirka ka baxeen qaar ka mida beelaha ka biyo diday qaabka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka u qeybisay odayaasha soo xulaya ergada shirka.
Beelaha Shirkaasi qaadacay ee sheegay inay isaga baxeen waxaa ka mida saddexda beelood Gaaljecel, Dir iyo Jareer oo cadaalad darro ka tabanaya wasiirka arirmaha gudaha C/raxmaan Odowaa.
Wadahadal lagu doonayo in xal looga gaaro arrimaha soo wajahay shirka ayaa socda, waxaana dhibaatadu noqotay inaanu shirku lahayn Guddi farsamo oo hore loogu heshiin waayay, wax walibana ay noqdeen aragtida wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiir Odowaa.
Goobjooge.com