Saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa joojiyay qaabilaad is daba joog ah oo muddooyinkii danbe u socday, iyadoo ay ku dhex jireen dadaalka lagu doonayo in lagu soo xulo xubnaha golaha wasiirada cusub ka mid noqonaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa xafiisyadooda xirtay caawa iyadoo ay ku hungoobeen xubno badan oo balamo ku lahaa, waxayna wararku sheegayaan in mas’uul kasta oo xirtay xafiiskiisa amarna ku bixiyay inaysan jirin cid uu qaabilayo.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo is mari waa ka taagan yahay magacaabidda Golaha wasiirada cusub, kala aragti duwanaansho xoog lehna ay soo kala dhex gashay madxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha kadib markii Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka biyo diiday inuu golihiisa wasiirada ku soo daro shaqsiyaad madaxweynuhu ku adkeysanayo inay ka mid noqdaan Golaha wasiirada.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]